Powered by Blogger.

Latest Post

Hababka Baashida iyo Dhunkashada (+siro+talooyin)

Written By Unknown on Friday, 3 May 2013 | 09:16

dhunkashadu waa qayb aad u muhiim ah oo ka mid ah nolosha waana furaha koowaad ee macaanka raaxada haddii laga tagana waxaa hubaal ah in noloshaas aad dhisayso aysan nah yeelanayn ama dha-dhanku ka duulayo(ka dhumayo).



si aad iskaga ilaaliso qaladaadka ka imaada aqoon la'aantaada dhunkashada isla markaana aad u dhistid xiriir tayo leh waxaan kuusoo gudbinaynaa talaabooyinka muhiimka ah ee ay tahay in aad qaado si aad ugu guulaysato dhunkasho macaan badan anaga oo ku xijin doona qaababka loo dhunkado lamaanahaaga adigoon waalayn ama aan qaribaad geysan.

shan ilaa lix qodob oo muhiim ah ayaan soo bandhigaynaa waxaana lagaa rabaa:






1) tusi in aad xiisaynasid:
waxaad soo saari kartaa calaamado mujinaya in aad rabtid dhunkaso, adigoon u soo dhaqaaqin aad samaysid ama aanba afka ka oran.

dhugo ama eeg si degen qofka kale bishimihiisa ama dibnihiisa
dibnahaaga ama bishimahaaga ha xirin fur kana dhig kuwo jilicsan hana wada furin si debecsan u kala fur oo aad dibintaada hoose gaari kartid.
afkaaga dhaq-dhaqaaji dibnahana is marmari si aad  ugu kaalmaysid jiljieecin.

2) jebi waxa idiin dhexeeya 
hadaad is leedahay waxaad tahay geesi hal dhunkasho oo  gacanta ah iyo wixii la mid ah ayaa jebin kara daboolka
haddii aad gabar dhunkanaysid gacanteeda soo qaad si tartiib ah dhanka afkaaga ugu soo aadi ka si xariifnimo ah dibnahaaga u saar dhanka danbe e gacanteeda. 3-4 seken ayaa kugu filan inta aadan ka qaadin.
haddaad wiil dhunkanaysid ku soo foorarso oo dhabanka ka dhunko dibnahaaga ha ahaadaanoo kuwo debecsan ha u dhaqmin sidii adoo dhunkanaaya caruurtaada ama waalidkaa. u badi dhanka u dhow dibnihiisa.

3) u bedel habkaaga mid rabitaan iyo kacsanaani ku jirto:
sii lamaanahaaga naftaada ooo idil iskuna bedel daacad dhamaystiran oo doonaysa in wax loo qabto.

si wanaagsan u dheh in aad rabtid baashi codka hoos u dhig indhahaagana xir. tani kali ah ma keenayso in aad dareen qoto dheer aad xambaarsantahay xitaa waxay kicinaysaa dareenka qofka kale. wuxuu isku dayayaa in uu kuu soo dhowaado si uu kuu maqlo.
si aad ah u dhaqan xoogana saar waxyaalaha hoose sida adoo dhahayo waad qurxoontahay, indhahaaga waa isoo jiiteen, qosolkaaga waan ka helaaa, maba aaminsani in aan ku haysto ma runbaa ma ku haystaa.

4) haday dhammaan kuu shaqayn waayaan si dadban u waydii:
waxaan ka jeclaan lahaa ma jirto dhunkashdaada, gacaliye/gacaliso soo dhowow waan ku dareemayaa i dhunku ugu horayn iwm...

5) dhunkashda ku bilow: 
wax waqti ah ha ku dhumin wax kale mar alaale iyo markaad dareento lamaanahaaga in uu u tafa xayta baashaal iyo baashi.

Abuu Mansuur Al-amriiki :- Halgankiisa Min Alabaama ilaa Jihaadka Somalia ,Maxaadsa kala Socotaa Taariiqdiisa?


Cumar Shafiiq Xammaami oo lagu naaneyso Abuu Mansuur Al-amriiki, waxa uu haatan ka mid yahay Madaxda Sare ee Ururka Alshabaab Somalia, ee Alqaacida Wakiilka uga ah dalalka Geeska Afrika.

Abuu Mansuur Al-amriiki, oo dhalashadda Maraykanka haysta, balse ay dhalashadiisu hore tahay dalka Suurya ee ay qalalaasaha ka socdaan,ayaa waxa uu ka mid yahay Dagaalyahannadda ugu khatarsan ee ay Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka iyo kuwa Reer Galbeedka ugu baadigoobka badan yihiin. 

Abuu-mansuur Al-amriiki, waxa uu Maleeshiyadda Al-shabaab ugu qaabilsan yahay Samaynta Filimadda Probogaandada ee uu sida tooska u baahiyo, taasi oo ay Dhallinyarro badan oo ku nool dalalka Reer Galbedka ku soo dhiirigelisay inay Alshabaab ku soo biiraan, kana mid noqdaan Dagaalyahannadda Muhaajiriinta ee Alshabaab tiir-dhexaad u ah. 

Haddaba, bal aynu eegno Taariikhda Dagaalyahan Abuu Mansuur Al-amriiki oo haatan ka mid ah Hoggaanka Alshabaab ee dagaalladda kula jira Ciiddamadda Dowladda Federalka iyo kuwa Afrikaanka ee AMISOM. 
Magaciisa dhabta ah waa Cumar Shafiiq Xammaami laakiinse sida Madaxda iyo Maleeshiyadda Ururradda Alqaacida iyo Alshabaab magacyadooda rasmiga ugu beddesheen magacyo kale, ayuu Xammaama waxa loogu yeeraa Abuu Mansuur Al-amriiki. 

Waxa iska dhalay Aabe Muslim ah iyo Hooyo Kirishtan ‘Babtist’ wuxuuna yaraantiisa ku soo koray Degmadda Daphne, ee Gobalka Albama ee dalka Maraykanka. 

Yaraantiisa waxa uu Alamriiki maalmaha Axadda tegi jirey Kaniisadda Alabama, isagoo shaqsi ahaan ugu faraxsanaa. 

Waxa uu ahaa Wiil dhalaal badan oo ay Arday badan wada tegi jireen Kaniisadda, wuxuuna aad u danayn jirey Xarigga Kaniisadda Alabama. 

Markii Waxbarashadda Dugsiga Sare gaaray, waxa uu ahaa qof ay dilootay Daroogadda iyo Dumarka. 

Cumar Shafiiq Xammaami ‘Abuu Mansuur’ waxa uu u soo safray magaalladda Toronto ee dalka Canada, kadib, markii ay reerkiisa ka quusteen inay dhaqan-toosiyaan, maadama uu noqday qof ay Balwadda aad u jiidatay. 

Inta uu joogay magaalladda Toronto, waxa uu guursaday gabar Somali haysata dhalashadda dalka Kanada, taasi oo ku guuleystay inay 0daygeeda barto Jaalliyadda Soomaalida ku nool Toronto. 

Bilowgii sannadkii 2004 ayey Abu Mansuur iyo Xaaskiisa Somali-Canadianka ah waxay u soo ambabaxeen caasimadda dalka Masar ee Qaahira, iyadoo Abuu Mansuur wixii markaa ka dambeeyey noqday Nin ka soo laabtay Balwadihii xumaa, wuxuuna bartay dhallinyarro Masaari oo Xag-jirnimadda Salafiyadda rumeysnaa. 

Bilowgii sannadkii 2005, waxay isaga iyo xaaskiisa u soo safreen gudaha dalka Somalia, kadib, markii ay xiriirro badan la sameeyeen Ururka Al-qaacida, wuxuuna ka mid noqday Asaasayaashii Alshabaab. 

Markii uu Somalia yimid, waxa isaga iyo xaaskiisa loo qaabilay sidii Geesiyayaal ah, waxaana uu la kulmay Madaxdii Alshabaab ee xilligaasi asaaska Kooxda watay, wuxuuna noqday Tababare dhinacyadda miino-samaynta iyo dagaal-gelinta. 

Imaanshihii Abu Mansuur Alamriiki ee gudaha dalka Somalia, waxay dhabaha u furtay inay Dagaalyahanno shisheeye ah ku soo qulqulaan Jihaadka Alshabaab. Waxaana jirta in boqolaal dagaalyahanno u kala dhalatay dalalka Pakistan, Yeman iyo kuwo kale ay Nidaam Tabliiq oo kale u soo galeen gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo ugu dambeyntii Alshabaab ku biiray. 

Xammaama maalmihii ugu horreeyey ee uu Muqdisho tegay waxa uu sheegay in waxa keliya ee uu dhibsaday ahayd inuusan waddooyinka haba yaraatee ku arkin dad u muuqaal eg Dagaalyahannadda Al-qaacida. 

Warbaahinta Caalamka waxay Abuu Mansuur aabihiisa (Shafiiq Xammaami) ka soo xigteen inuu go’ay xiriirka Wiilkooda, isla markaana uu maqlay inuu xubin ka noqday Dagaalyahannadda Alshabaab ee gudaha Somalia ka dagaalanta. 

‘Aad bay u xanuun badan tahay, inkastoo aan weli Wiilkeyga ka fekerayo, inkastoo falalkiisa yihiin kuwo xaqiiqdii aniga I dilayo’ ayuu yiri Shafiiq Xammaami oo intaasi ku daray inuu wax kasta akhrinayo taariikh ahaan. 

Wargeyska Maalinlaha ee The Sydney Morning Herald ee dalka Australia ka soo baxa, waxa uu dhawaan faallo dheer ka qoray Taariikhda Abuu Mansuur Alamriiki, oo ay ku tilmaameen Hoggaamiye ka tirsan Ururka Alqaacida oo awood u leh dhinaca Borobagando-samaynta Tooska ah (Online Video), oo uu ku duufsaday Kumanaan Dagaalyahanno Shisheeye ah. 

Mahan Ceeb Caashaqu runtii !!!!! Qormo aad u xiiso badan ee wax ka ogow.



Aadanaha cimrigiisa waxa ugu xallad, xiisa iyo xanuun badan waqtiga dhallinyarnimada. Xilliganna waxa ugu sii xasuus mudan marka ay qofka boggiisa iniin caashaq ka biqisho. Iniintaasi waxay dhilataa wadnaha, waxaanay dhurataa dhiigga. Waxay yaraysaa dhuuniga, waxaanay kala dhantaashaa hurdada. Waxay nuglaysaa kasha, waxaanay ku beertaa baqasho, boholyow iyo baaxaa deg.

Habeenku wuxuu kuu noqdaa dharaar, dharaartuna waxay kuu noqotaa habeen. Haddii aad la kulanto qofkii dabka kaa dhex shitay waa kuu kabash kabash iyo kayr kayr, waa kuu hibasho iyo hogasho. Haddii uu kaa maqan yahayna waa kuu fikir iyo foognaan, waa kuu hiigsi iyo heeheebad.


Adiga oo xaaladdaa ku jira garawsho, garwaaqsi iyo garab istaag midna kama heshid bulshada aad la nooshahay. Sidaa darteed inta aad qofkan ka baqdo in aan ka yarayn waxaad ka baqdaa bulshada oo ay agteeda malahayga danbiba ka tahay in wax la caashaqo. Haddaba, ta bulshadu halkeeda ha inoogu dabranaatee, ogsoonow sida aad xaq ugu leeyahay inaad noolaato ayaad xaq ugu leeyahay inaan wax jeclaato.


Xaqaasi haddii uu kaa maqan yahay sida aad u soo dhacsan karto mar kale ayaynu ka wada sheekaysan, laakiin waxaan ku leeyahay:

Ceeb maaha inaad wax jeclaato, iyo inaan lagula qaadan jacaylka midkoodna. Waxaase foolxumo weyn inaadan waxba caashaqin, waayo waxaad markan ka baxday xayn-daabkii banii-aadanimo. Haddii kalena waxaad ku nooshahay been iyo is-moodsiis baqashooyin is biirsaday kugu sababeen.

Qofka jiritaankiisu macno buuran ma yeesho oo wuu kala dhantaalan yahay haddii aanu ka run sheegi karin dhacdo soo martay ama mid uu ku jiro markaas.


Haddaba, iyaba waa yaabe, xalay aniga oo kala guraya Buugtayda ayuun bay warqad midabaysan oo khadkeedu isku dar-dareeray meel ka soo dhataq tidhi. Dabadeed si aan dhugmo lahayn haddii aan dhaayaha ugu biniiniyay, mise waxaaba warqadda ku duugan jacayl dhicisoobay oo dhallin-yarnimadii i soo maray.


Gabadhii aan dhanbaalkan u qoray, waxaan ka eegayay inay ii soo jawaabto, laakiin iyadii ayuun bay igu soo celisay, illaa haddana sababtaa waan fasiri kari waayay. Waxaanse ogaa in ay dhanbaal hore igu tidhi: “Wiil-yahaw jacayl kuuma hayo, kuumana qaadi doono, warkaagana ma rabo ee farriin danbe oo arrimahaa ku saaban ha ii soodirin


Jawaabtani maalintaa waxay iiga dhignayd waran aan loo aabba yeelin oo wadnaha la igaga dhuftay, in daqiiqad ka yar waxaan arkay dhidid wada qooyay wajigayga, sida aan qabana dhidid maahayn ee wuxuu ahaa dhiig wadnahayga dhaawacani soo tuurayay.

Haddaba, muddo markii aan ka adkaystay ayuun baan maalintii danbe anniga oo is moog farriintan igu soo noqon doonta u qoray, una geeyay inantaa ilwaadka qurxoonayd, edebta badnayd, isla jeerkaasna noloshu bilowga u ahayd.
Heblaayo Qaali.

Salaan diirran dabadeed, inkastoo warkayguba, waabay qadhaadhiyo, warma kaaga daran yahay, haddana waxaynu nahay laba wanaag iyo walaaltinimo isku baratay, sidaa darteed adiga oo taa xeerinaya ha i odhan wax danbe ha ii soo dirin, hana i dhihin waligay jacayl kuuma qaadi doono, waayo jacaylku maaha wax rabitaanka qofka iyo diidmadiisa u xadhko xidhan. Haddii uu sidaa yahay, Cilmi umaba hoydeen, Cantar uma jihaadeen, Qays uma god galeen, Layli uma qaracanteen. Ma boqreen Hadraawina, Beer-lula ma sheegeen.

Haddaba, sidaa dhibta yar iila garo inaanay soo noq noqoshadu iga ahayn nacasnimo, ee ay iga tahay nuglaansho uu i baday jacaylkaagu. Haa, xiskayga waxa sidaa u dhex miranaya xubigaaga, dhiigaygana waxa sidaa u miiranaya kalgacalkaaga, maankaygana waxa sidaa ugu meeraysana muxubadaada.

Albaabka wadnahayga waxa heegan ku ah ciidamo adiga kaa socda oo diidan inay gabadhi soo gashaba, xataa garoob. Intaa ka dib, sida dabiiciga ah qofku markuu wax caashaqo, jacaylkaana lala qaadan waayo, wuxuu canaantaa naftiisa iyo dookhiisa.

Wuxuu hiifaa goortii iyo goobtii ugu horaysay ee uu qofkan ku arkay. Haddaba, annigu naftayda iyo dookhaygaba waan ku hanbalyaynayaa inay wax jeclaadeen, oo ay waliba adiga ku caashaqeen.

Goobtii ugu horaysay ee aynu ku kulanayna waaban siyaartaa. Ugu danbayn dhibkaan doono aan qabo, laakiin waxaan jecelahay wanaagaaga iyo wax noqoshadaada, farxadaada iyo rayn-rayntaada.

Gabdhaha Sawirada Qaawan Soo dhiga Bogga Internetka iyo Dhibaatada ka dhalan karta Maxay (Warbixin Xiiso Leh + Sawiro Shidan)


Tan iyo markii la bilaabay bogoga bulshadu ku kulanto (social media) waxaa sii kordhayey soo bandhigida Dadku ay u soo bandhigayaan afkaartooda aduunka kale si dhib yar sawir ahaan iyo qoraal ahanba.
Arintaas oo keentay faaiidooyin iyo dhibaatooyin farabadan intaba.

Dhaq-dhaqaaqaas bulshadeed somaalidu kama marna oo marka aad ku wareegto bogogaas waxaad ku Arkaysaa waxyaalo indhahaaga yaab galinaya isla markaana su'aal aad u weyn madaxaaga dhex Dhigaya????.

Waxaadna arkaysaa gabdho dharkii soo dhigtay ama xiran dhar aan naf lahayn oo sawiradooda ku soo guraya bogogaas.

Marka laga tago in somalidu boqolkiiba boqol ay tahay dad muslim ah hadana waxaa intaas u sii dheeraa Dhaqan aan ogolayn waxyaalaha keenaya anshax xumada iyo doorsoonka waxay caanka ku ahayd bulshada Somaliyeed.
  
Hadaba waa maxay sababta ugu weyn ee ka danbaysa arintan??.
Baaritaan mudo qaatay oo aan ku waraysanay dhalinyaro rag iyo dumur isugu jira xog ogaalna ku ah arimaha Ka socda bogogan gaar ahaana boga aadka dadku ugu falanyihiin ee facebook waxay noo sheegeen in ay Aaminsanyihiin in ay arintan ka danbayso dhowr qodob oo is biirsaday isugana jira kuwo Bulshadeeed(social) iyo kuwo nafsiyeed(psychological) intaba.

Maadaama aan xooga ku saaraynay baaritaankeena arinta dhabta ah ee ka danbaysa in gabdho ilaahay ku Manaystay qurox ay soo saaraan sawiradooda oo aan wanaagsanayn bogogan waadixa ah, dhamaan Dadkaasi waxay isku raaceeen in ay ugu weyntaay 3 qodob kuwaas oo kala ah:

1. Ku dayasho dad aysan wadaagin dhaqan iyo diintoona ayna la galayaan tartan nafsiyan ah oo ay kula Baratamayaan waxyaalaha ay samaynyaan oo ayaga ula muuqda wax casri iyo reer magaalnimo ku jirto.

Arintaasna waxaa sii bari taaray gabdhaha qurbaha ku koray oo si toos ah saamayn weyn ugu leh kuwa ku Dhaqan gudaha ayagoo u soo tabinaya waxyaalo ay ka soo koobiyeeyeen dadyow kale ayna khasab ku Tahay in ay dabo galaan.

2. Kalsooni daro kalsooniduna waa shay qaali ah mar haday kaa dhuntana waxaa kugu dhacaya khal khal Nafsiyadeed waxaadna isku arkaysaa in aadan wax qiima ah ku fadhin sidaa darteed waxaad ku Kadsoomaysaa in aad qabato waxkasta oo aad is leedahay waa ku abuuri kartaa kalsooni dhankasta marka Laga eegana gabdhaha soo dhiga bogogaas dadweynaha sawiradooda oo waadix ah waxaa ku kalifaya soo Jiidasho ay ku doonayaan in ay soo jiitaan ruux ay ka qabaan kalsooni xumo.

3. Ciyaar iyo madadaalo 30% dadka soo bandhiga ma sawirada xun xuni ma ahan dadkii asal ahaan u lahaa Ee waa dad si kastoy ku helaanba ay gacanta u soo galeen isla markaana si ay uga helaan qosol ama Waxyeelo ceebays aan macno ku dhisnayn ah usoo bandhiga.
  
Si kataba ha ahaatee mid ka mid ah aqoonyahanka soomaaliyeed ee aqoonta u leh dhanka social media ha Ayaa waxa uu intaas ku darayaa in meesha sartu ka quruntay ay tahay gabdhihii oo aan ka xishoonayn waxa Lagu magacaabo baraaruga hibaatooyinka laga dhaxli karo internetka iyo sidoo kale ayagoo aan helin cid ku Hadlaysa afkooda oo ka wacyi galisa isla markaana wax uga sheegta dhibaatooyinka internetka laga dhaxli karo.

Kuxuuna intaas ku daray in internetku uu yahay badweyn hadaadan fahmina aad ku dhex lumayso khatar Nololeed iyo mid taariikheedna laga dhaxli karo.
  
Mar aan waydiinay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ay u keeni karto dadka noocaas ah falalkan ay ku Hawlanyihiina waxaa uu ku jawaabay "ogow haddaysan kugu lahayn waxyeelo deg deg ah oo aad is Tiraahdo hadhowba waad tirtiraysa in dad badani amaba websiteyo badani ay mar hore kayd sheen Taariikhdaada mustabalna ay dhaawac ku yeelanayso".

Walow aan la dhayalsan  karin hadalada khuburada iyo dadka ku xeeldheer arimaha internetka hadana Waxaa jira in aan laga jari karayn si fudud dadka caadaystay in ay ku baashaalaan sawirooda ama kuwa Dadkale oo waadix ah.

Daawo Sawirrada Gudoomiyaha Baarlamanka oo saaka dalka dib ugu soo laabtay.


Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wafdi uu hogaaminyay oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.
Afhayeenka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa booqashadiisa Turkiga ku wehliyay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya waxaana garoonka diyaarada Aadan Cadde saaka ku soo dhaweeyay wasiirro iyo xildhibaano.
Gudoomiyaha Baarlamanka oo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula hadlay saxaafada ayaa ka warbixiyay booqashadii uu ku tegay dalka Turkiga,  wuxuuna tilmaamay in ay wadahadalo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi islamarkaana ay isku afgarteen waxyaabo badan oo horumar ah.

Ajaaniibta katirsan Al-Shabaab oo Warqad calaacal iyo Cabasho ah u diray Hogaamiyaha Al-Shaaab Abuu Zubeyr.

Saraakil sare oo Al-Shabaab ah gaar ahaan kuwa diba uga yimid ayaa waxa ay war qad furan u direen hogaamiyaha xarakada Al-Shabaab oo ay ugu shegayaan in aysan jirin kalsooni isku xirnaan ah oo ka dhex jirtay gudaha shababka hubaysan ee kun kacsan dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Qofka warqadaani u qoray hogaamiyaha Al-Shabab ayaa waxa lagu magacabaa Zuber Al-Muhaajir oo tilmaamay in uu sareeyo herka uu gaar siisan yahay isku xirnaanta iyo kalsoonida Al-Shabab dhexdooda ka jirta.

Warqadan oo ka koobneed 12-page oo lasoo dhigay baraha kooxaha xirirka la leh ururka Al-Qaacida ayaa waxa cinwaan looga dhigay “haa dhibaato ayaa jirta”.

Digniinta sarkaalkani uu diraayo ayaa waxa uu heerkeedi gaarsiiyay in aysan aheyn sida ay ka warhayaan dadka taagerada u haya xarakada Al-Shabaab.

Subeyr Al-Muhajir ayaa cadeeyay in dhowr jeer uu isku dayay in uu warqad u diro hogaamiyaha All-Shabab Sheekh Muqtar Abu Subeyr midaanina waxa uu ku tilmaamay in ay soo dadajisay iyadoo ay go day dhamaan xirirkii Al-Shabaab ee kuwa Somalida iyo ajaanibta dibada ka timid.

Waxa uu yiri”waxaan dhowr jeer isku dayay in aan kala hadlo Abu Subeyr kox kamid ah dadka Shabaab uga yimid dibada oo xabsiyada ugu xir xiran qar kamid ah saraakisha Al-Shabaab”.

Waxa uu sarkaalkani Shababka ah u shegay in uu isku dayay dalab uu ku doonayey in Abuu Zubeyr waji ka waji ula kulmo balse midaa loo diiday iyadoona isku daygii ugu danbeeyay uu sameyay ay aahed in dalabkaasi uu ugudbiyay amirka hogaamiyaha Al-Shabaab uu ugu soo magacaabay dadka Shabaabka dibada uga yimid.

Warqadaani furanm ayaa waxa sarkaalkani uu ku sheegaya in ay jiraan cadaadis la saarayo dagaalamayasha Al-Shabaab uga yimid wadamada caalamka qaarkood.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ayuu ku wargaliyay in uu xir xiray dad muhajirin ah oo Shabaab dibada uga yimid kuwaasi oo lagu eedeyay in ay la shaqeenayeen dowlada Somalia.

Sidoo kale waxa uu sarkaalkani shaca ka qaaday in mid kamid ah saraakisha Ajaanib ah al-Shabaab uu ku geeriyooday xabsiyada ay maamulayaan dagalamayaasha shababa ee hoostagta Amiirka Al-Shabaab ee Abuu Subeyr.

Ninyahow Afartaan Haween Yeena waqtiga Kaaridin Guur Magalaane….

Waxaa jira ninyahoow arimo badan oo ay haboon tahay in aad wax ka ogaato ka hor inta aadan guur sameyn oo aad il gaar ah isaga yeelato haweenka tilmaamahaan leh .

* Haweeneyda U Dhaqanta Sida In Ay Nin Tahay : haweeneyda waxa ay ku qurux badan tahay haweenimadeeda ogoow ragga kama helaan haweenka jecel in ay sameeyaan wax waliba oo ninka uu sameeyo oo qaabka ay u dhaqmeyso aad moodo in ay nin tahay .

Midda Madaxa Adag : waa mid mar waliba isku dayda in ninkeeda ku qanciso afkaaro qaldan  waa mid aan aqoon mahad celinta oo ay adag tahay in la qanciyo.

* Midda Neerfoosaha Ah : waa mid xanaaqeeda dhaw yahay wax yar ayay hawada ku galeysaa , waa mid marka ay xaanaqdo dharkeeda ku qamaameysa iyo in wajiga iska dharbaaxdo isla markaana nasiibkeeda wax ka sheegeysaa shumis.net waxa ay ku leedahay haddii nin aad u dul qaad badan tahay oo awooda in uu dajiyo dhib kuma jirto in aad wax la wadaagto midda tilmaamahaan leh .

* Midda Diinta Yar : waa mid aan dan ka laheyn arimaha diinta , waxa ay soo bandhigtaa quruxdeeda oo bananka ayay keenya, ragga ayay u qososhaa haddii la wacdiyana waxa ay ku leedahay Iimaanka Qalbiga ayuu jiraa .

Label 1

Label 2

Label 3

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. barasho24 - All Rights Reserved
Template Modify by Creating Website
Proudly powered by Blogger