Powered by Blogger.
Home » , » Abuu Mansuur Al-amriiki :- Halgankiisa Min Alabaama ilaa Jihaadka Somalia ,Maxaadsa kala Socotaa Taariiqdiisa?

Abuu Mansuur Al-amriiki :- Halgankiisa Min Alabaama ilaa Jihaadka Somalia ,Maxaadsa kala Socotaa Taariiqdiisa?

Written By Unknown on Friday 3 May 2013 | 05:20


Cumar Shafiiq Xammaami oo lagu naaneyso Abuu Mansuur Al-amriiki, waxa uu haatan ka mid yahay Madaxda Sare ee Ururka Alshabaab Somalia, ee Alqaacida Wakiilka uga ah dalalka Geeska Afrika.

Abuu Mansuur Al-amriiki, oo dhalashadda Maraykanka haysta, balse ay dhalashadiisu hore tahay dalka Suurya ee ay qalalaasaha ka socdaan,ayaa waxa uu ka mid yahay Dagaalyahannadda ugu khatarsan ee ay Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka iyo kuwa Reer Galbeedka ugu baadigoobka badan yihiin. 

Abuu-mansuur Al-amriiki, waxa uu Maleeshiyadda Al-shabaab ugu qaabilsan yahay Samaynta Filimadda Probogaandada ee uu sida tooska u baahiyo, taasi oo ay Dhallinyarro badan oo ku nool dalalka Reer Galbedka ku soo dhiirigelisay inay Alshabaab ku soo biiraan, kana mid noqdaan Dagaalyahannadda Muhaajiriinta ee Alshabaab tiir-dhexaad u ah. 

Haddaba, bal aynu eegno Taariikhda Dagaalyahan Abuu Mansuur Al-amriiki oo haatan ka mid ah Hoggaanka Alshabaab ee dagaalladda kula jira Ciiddamadda Dowladda Federalka iyo kuwa Afrikaanka ee AMISOM. 
Magaciisa dhabta ah waa Cumar Shafiiq Xammaami laakiinse sida Madaxda iyo Maleeshiyadda Ururradda Alqaacida iyo Alshabaab magacyadooda rasmiga ugu beddesheen magacyo kale, ayuu Xammaama waxa loogu yeeraa Abuu Mansuur Al-amriiki. 

Waxa iska dhalay Aabe Muslim ah iyo Hooyo Kirishtan ‘Babtist’ wuxuuna yaraantiisa ku soo koray Degmadda Daphne, ee Gobalka Albama ee dalka Maraykanka. 

Yaraantiisa waxa uu Alamriiki maalmaha Axadda tegi jirey Kaniisadda Alabama, isagoo shaqsi ahaan ugu faraxsanaa. 

Waxa uu ahaa Wiil dhalaal badan oo ay Arday badan wada tegi jireen Kaniisadda, wuxuuna aad u danayn jirey Xarigga Kaniisadda Alabama. 

Markii Waxbarashadda Dugsiga Sare gaaray, waxa uu ahaa qof ay dilootay Daroogadda iyo Dumarka. 

Cumar Shafiiq Xammaami ‘Abuu Mansuur’ waxa uu u soo safray magaalladda Toronto ee dalka Canada, kadib, markii ay reerkiisa ka quusteen inay dhaqan-toosiyaan, maadama uu noqday qof ay Balwadda aad u jiidatay. 

Inta uu joogay magaalladda Toronto, waxa uu guursaday gabar Somali haysata dhalashadda dalka Kanada, taasi oo ku guuleystay inay 0daygeeda barto Jaalliyadda Soomaalida ku nool Toronto. 

Bilowgii sannadkii 2004 ayey Abu Mansuur iyo Xaaskiisa Somali-Canadianka ah waxay u soo ambabaxeen caasimadda dalka Masar ee Qaahira, iyadoo Abuu Mansuur wixii markaa ka dambeeyey noqday Nin ka soo laabtay Balwadihii xumaa, wuxuuna bartay dhallinyarro Masaari oo Xag-jirnimadda Salafiyadda rumeysnaa. 

Bilowgii sannadkii 2005, waxay isaga iyo xaaskiisa u soo safreen gudaha dalka Somalia, kadib, markii ay xiriirro badan la sameeyeen Ururka Al-qaacida, wuxuuna ka mid noqday Asaasayaashii Alshabaab. 

Markii uu Somalia yimid, waxa isaga iyo xaaskiisa loo qaabilay sidii Geesiyayaal ah, waxaana uu la kulmay Madaxdii Alshabaab ee xilligaasi asaaska Kooxda watay, wuxuuna noqday Tababare dhinacyadda miino-samaynta iyo dagaal-gelinta. 

Imaanshihii Abu Mansuur Alamriiki ee gudaha dalka Somalia, waxay dhabaha u furtay inay Dagaalyahanno shisheeye ah ku soo qulqulaan Jihaadka Alshabaab. Waxaana jirta in boqolaal dagaalyahanno u kala dhalatay dalalka Pakistan, Yeman iyo kuwo kale ay Nidaam Tabliiq oo kale u soo galeen gudaha dalka Somalia, kuwaasi oo ugu dambeyntii Alshabaab ku biiray. 

Xammaama maalmihii ugu horreeyey ee uu Muqdisho tegay waxa uu sheegay in waxa keliya ee uu dhibsaday ahayd inuusan waddooyinka haba yaraatee ku arkin dad u muuqaal eg Dagaalyahannadda Al-qaacida. 

Warbaahinta Caalamka waxay Abuu Mansuur aabihiisa (Shafiiq Xammaami) ka soo xigteen inuu go’ay xiriirka Wiilkooda, isla markaana uu maqlay inuu xubin ka noqday Dagaalyahannadda Alshabaab ee gudaha Somalia ka dagaalanta. 

‘Aad bay u xanuun badan tahay, inkastoo aan weli Wiilkeyga ka fekerayo, inkastoo falalkiisa yihiin kuwo xaqiiqdii aniga I dilayo’ ayuu yiri Shafiiq Xammaami oo intaasi ku daray inuu wax kasta akhrinayo taariikh ahaan. 

Wargeyska Maalinlaha ee The Sydney Morning Herald ee dalka Australia ka soo baxa, waxa uu dhawaan faallo dheer ka qoray Taariikhda Abuu Mansuur Alamriiki, oo ay ku tilmaameen Hoggaamiye ka tirsan Ururka Alqaacida oo awood u leh dhinaca Borobagando-samaynta Tooska ah (Online Video), oo uu ku duufsaday Kumanaan Dagaalyahanno Shisheeye ah. 
Share this article :

0 comments:

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. barasho24 - All Rights Reserved
Template Modify by Creating Website
Proudly powered by Blogger